4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2019
Waqtiga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland oo la shaaciyay

 

Jimco, July, 05, 2019 (HOL)–Iyadoo si gaar ah isha loogu wada hayo doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa looga dhawaaqay magaalada  Kismaayo hab raaca jadwalka soo xulista xildhibaannada iyo doorashada madaxweynaha Jubbaland.

Jadwalka Guddiga soo saaray ayaa lagu caddeeyay in soo xulista iyo soo gudbinta xubnaha Baarlamaanka ay bilaaban doonto inta u dhaxeysa 16 July illaa 6 bisha Agosto ee soo socota.

Sidoo kale Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhici doonta 18 Agosto.

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee sida aadka ah loo sugayo ayaa Taariikhdeeda lagu asteeyay inta u dhaxeysa 24 Agosto illaa 30 Agosto.

Doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland oo ay ku tartami doonaan musharixiin dhowr ah ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha xiligan tallada maamulka haya Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo khilaaf weyn uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ee federaalka.

Axmed Madoobe shalay ayuu ku laabtay magaalada Kismaayo waxaana ku soo dhaweeyay boqolaal shacabka magaalada ah, isaga oo ku maray bartamaha Kismaayo gaari dusha sare ka furan halkaa oo uu dadka gacanta uga haatinayay.

Isaga oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayuu sheegay in doorashada Jubbaland loo saaray guddi ka shaqeyn doona, sidaa daraadeed loo baahan yahay in howlahooda loo madax-bannaaneeyo.

Laakiin haddana marka aad dhinac kale eegto musharixiinta kale ee kula tartamaya xilka madaxweynaha ayaa u arka guddiga doorashada ee hadda howsha wada kuwo u janjeera dhinaca madaxweyne Axmed Madoobe.

Arrinta kale ee xiisaha u yeeleysa doorashada madaxweynaha Jubbaland ayaa ah muhiimada uu deegaankaasi u leeyahay xiriirka labada dowladdood ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo aad moodo in Kenya gacan saar hoose la leedahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo laga yaabo in ay doorashada ku taageerto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]