4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2019
Xukuumadda Oo Ansixisay Heshiiska Cusub Ee dowladdu La Gashay Shirkadda Favori Iyo Labo Hindise Sharciyeed

Khamiis, July, 04, 2019 (HOL) –Shirka golaha wasiirrada oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa lagu asixiyay heshiiska cusub ee dhex maray dowladda federaalka iyo shirkadda Favori ee gacanta ku heysa garoonka Aadan Cabdulle.

Heshiiska oo golaha ay soo gudbisay wasaarada duulista hawada ayaa cod aqlabiyad leh lagu meel mariyay.

Shirka maanta ay golahu yeesheen ayaa sidoo kale meel mariyay hindise sharciyeedka Nootaayada dadwaynaha iyo Hindise Sharciyeedka qareennada Soomaaliya oo ay usoo gudbisay wasaaradda caddaaladda XFS.

Golaha wasiirrada ayaa hamblayo, bogaadin, taagero iyo duco isugu daray Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo howl wadeennada la shaqeynaya ee deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug u jooga dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

Iman Mohamed Jama , Hiiraan Online
[email protected]