3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2019
Xaaf oo Wasaarradda Arrimaha Gudaha u wakiishay arrimaha doorashooyinka Galmudug

 

Khamiis, July, 04, 2019 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa aqbalay in Wasaarradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ka howlgasho Arrimaha Doorashooyinka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Madaxweyne Xaaf oo markii hore siweyn uga soo horjeeday dowladda Soomaaliya oo ku eedeeyay in faragalin ku heyso Galmudug ayaa hadda u muuqda in uu ka soo dabcay mowqifkiisii hore, kaddib kulamo uu la yeeshay madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya gaar ahaan ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay ku kulmeen degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Sidoo kale Xaaf ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ay kulamadaa soo afjareen khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo u dhaxeeyay maamulka Galmudug iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Warka ka soo baxay Madaxweynaha Galmudug :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    
 

 

 

 













Click here
7/4/2019 1:45 PM EST
Khamiis, July, 04, 2019 (HOL) –Shirka golaha wasiirrada oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa lagu asixiyay heshiiska cusub ee dhex maray dowladda federaalka iyo shirkadda Favori ee gacanta ku heysa garoonka Aadan Cabdulle.

7/4/2019 12:38 PM EST
Khamiis, July, 04, 2019 (HOL)- Xukuumada Somaliland ayaa dawlada Soomaaliya ku eedeeysay inay khatar amni darro iyo qalalaase hor leh ka abuurayso manqada geeska Afrika oo leh sooyaal taariikh colaadeed oo dheer.

7/4/2019 10:53 AM EST
Khamiis, July, 04, 2019 (HOL) –Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga bilowday diiwaan gelinta ciidamada Ahlu Sunna si ay uga mid noqdaan ciidanka qaranka.

7/4/2019 10:48 AM EST
Khamiis, July, 04, 2019 (HOL) –Xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dalka galbeedka Afrika ku yaalla ee Guinea, kaddib shir jaraa’id oo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu ku qabtay wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

7/4/2019 5:49 AM EST
Khamiis, July, 04, 2019 (HOL) –Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo wakiilka urur-gobolleedka IGAD ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

7/4/2019 5:27 AM EST
Khamiis, July, 04, 2019 (HOL) – Baarlamaanka adduunka ayaa waxaa u soo gabagaboobay shirkii madashada oo sannadkan lagu qabtay magaalada Moscow ee xarunta dalka Ruushka,iyada oo shirka intuu socday lagu fallanqeeyey doorka Xeer-dejiyeyaasha Adduunka ay ka qaadan karaan xal u helidda mashaakilaadka adduunka haysta.

7/4/2019 4:36 AM EST
Khamiis, July, 04, 2019 (HOL) – Nin lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,isla markaana hubka u kala gudbin jiray ayaa maxkamadda darajada koowaad ee ciidammada qalabka sida waxay ku ridday xukun.

7/4/2019 1:07 AM EST
Khamiis, July, 04, 2019 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Xagar ayaa sheegaya in xarrakada Al-shabaab goob fagaaro ah ku toogasho ku fuliyeen Shan Rag ah oo ku eedeeyeen in ay basaas u ahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo quwadaha kale ee taageerada militari siiya.

7/4/2019 12:57 AM EST
Khamiis, July, 04, 2019 (HOL) – Hay’addaha Amaanka dalka Kenya aya lagu eedeeyaa in ay adeegsadaan awood xad-dhaaf ah oo sharciga ka baxsan marka ay ku jiraan howlgaladooda.