4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2019
Afar dhallinyaro ah oo laga saaray barnaamijka shaqo qaran ee Somaliland

 

Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)-Agaasimaha barnaamijka Shaqo qaran ee Somaliland Maxamed Xuseen (Mu'addinka) ayaa sheegay inay eryeen afartii dhallinyaro ah ee warbaahinta ka hadlay, kuwaaas oo uu ku eedeeyey inay ka baxeen anshixii iyo xeerkii u yaallay barnaamijka shaqo qaran oo ay isku dayeen inay ceebeeyaan.

Agaasimaha ayaaa sheegay in barnaamijkan shaqo qaran oo ahaa mid guul u ahaa Somaliland ay afartaasi dhalinyarada ahi doonayeen inay wasakheeyaan,isla markaana dadweynihii soo dhoweeyey ku rideen tashuus ka dib markii wax aanay hubin warbaahinta ka sheegeen.

Agaasime Mu’adanku wuxuu sheegay in shirkaddda shiinuhu ee Singapore New Silk Energy Somaliland (SNSES) ay hore u ballanqaaday in saddex boqol ka shaqaalaysiin doonto dhalinyarada shaqo qaran, tiina ay fulisay oo ay imtixaankii ku galeen shalay iyo maantaba jaamacada Hargeysa, waxaanu meesha ka saaray in aanay shirkaddu odhan inay afar boqol qaadanayaan.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in hadii shirkadu ay shaqaale qoranayso ay u madax banaan tahay balse ay fulisay tii ay u ballanqaaday maalintii la dhagax dhigayey.

“Afartii dhalinyaro ee shalay warbaahinta ka hadlay waxay jabiyeen shuruucdii iyo xeerkii u yaalay barnaamijka shaqo qaran, sidaas darteed waxa laga saaray dhalinyaradaasi barnaamijkii shaqo qaran”ayuu yidhi agaasime Mu’adin oo ka hadlayey dhalinyaro ka hadashay barnaamijka shaqo qaran.

Sidoo kale, agaasimuhu wuxuu sheegay in shirkaddan ajanabiga oo kaliya tahay ta dhalinyaradaasi ka qaadatay saddex boqol oo dhalinyaro ah, waxaanu xusay inay u mahad naqayaan sida ay u qiimeeyeen ee dhalinyarada carbiska shaqo qaran uga dalbadeen saddexda boqol.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.