35 ruux oo ku dhimatay qarax lagu weeraray gaari ay la socdeen dalka Afghanistan
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Qarax ka dhashay miino lagu aasay waddada
jiinkeeda ayaa dalka Afghanistan maanta ku dilay ugu yaraan 35 qof oo ku
safrayey bas, islamarkaana dhaawacay 27 kale, sida ay sheegeen saraakiil.
Qaraxan oo ka dhacay waddada weyn ee isku xirta caasimadda gobollada Herat
iyo Kandahar ayaa ka dhacay xaafadda Ab Khorma ee gobolka Farah, sida uu
sheegay afhayeenka gobolka Mohibullah Mohib.
“Bamka ayaa ahaa mid dhowaan ay aaseen dagaal-yahanada Taliban si loola
beegsado ciidamada Afghanistan iyo kuwa ajnabiga” ayuu yiri.
Mohibullah Mohib ayaa sheegay in dadka dhintay badankood ay yihiin haween
iyo caruur.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan. Gobolka Farah ayaa ku yaalla
soohdinta dalka Iran.
Afhayeen u hadlay kooxda Taliban ayaa beeniyey mas’uuliyadda weerarka,
waxaana uu sheegay in dagaal-yahannadooda aysan mas’uul ka ahayn miinooyinka
lagu aasay aagaas.
“Taliban ma aysan fulin qaraxan, waan baaraynaa dhacdadan” waxaa sidaas yiri
Zabihullah Mujahid oo ah afhayeenka Taliban.
VOA