4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2019
Wasiir Oomaar oo ka hadlay sababta uu u tagi waayay magaalada Kismaayo

 

Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Wasiirka Duulista Hawadda Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar] ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta uu uga baaqday safar uu qorshuhu ahaa in uu ku tago magaalada Kismaayo toddobaadkan.

Wuxuu sheegay in uu uga baaqday sababo dhinaca Amaanka, isaga oo ka baqayay sida uu hadalka u dhigay in taggistiisa Kismaayo ay sababto iska horimaad.

“Safarkii aan Kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska hor imaad u dhaco, Qof isku dayay inuu i soo qaado ma jiro. Inkastoo aan xaq u leeyahay in aan la is ilaalsho haddana kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin ilaah ka sokow”ayuu yiri Oomaar qoraal uu soo dhiggay bartiisa Facebook.

Hadalkiisa ayuu sii raaciyay “Hooyadii canuggeda lala qabsaday ee la yiri aan idiin kala goyno waxey tiri ha loo daayo tii aanan dhalin iyadoo ka baqaysa in canugeeda la kala gooyo. Taas un baan isku mid nahay ee awood aan Jubbaland ku imaado ma weyn. Waan aqaan masuuliyadda i saaran, Dadkii talada xumaa baa weli ummadda waalaya. Dagaal aadan idinka hurin Jubbaland Kama dhici doono Caqliga ha shaqeeyo”ayuu yiri.

Magaalada Kismaayo waxaa lagu qabtay munaasabad kooban oo looga dhawaaqay musharaxnimada Wasiirka, balse kama uusan qeybgalin Wasiirk Oomaar munaasabadaas.

Maamulka Jubbaland ayaa dhawaan qoraal ka soo baxay waxaa deegaannada maamulka uu ka arimiyo looga mamnuucay in uu tago shaqsi ama mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]