4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2019
Soomaaliya oo oggolaatay ballaarinta howsha Ergada Ururka Iskaashiga Islaamka ee Muqdisho

 

Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ah kula saxiixatay Muqdisho heshiis Ururka Iskaashiga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeelanayo Soomaaliya, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada Ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada.

Heshiiska oo ka kooban qoddobo dhowr ah oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinac-yada siyaasadda iyo bani’aadannimada ayaa waxaa kala saxiixay Sii-hayaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, oo heystay Wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadannimada, Dhaqanka iyo Bulshada.

Wafdiga oo dhawaaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda ugu sareysa dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]