4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2019
Dowladda oo sheegtay in caafiamaadka Duqa Muqdisho uu soo hagaagayo

 

Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xuukumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo kamid ah Guddiga Heer Qaran ee loo xilsaaray la soco-shada Xaaladda dhaawacyadii dhawaan loo qaaday magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa faah faahin ka bixisay xaalada caafimaad ee Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

“Xaaladda Caafimaadka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Bukaannadii kale ee la soo qaaday wey ka soo reyneysaa maalinba maalinta ka dambeysa, Qaarkood waa laga soo badalay Sariirihii lagu daweynayay, insha Alllaah waxaan maalmaha soosocdo rajeyneynaa in xaaladdiisu ay sidii caadiga aheyd ku soo laabat” ayay tiri Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Qadar C/risaaq Faarax Cali Taano oo faah-faahin dheeraad ah sii bixiyay ayaa sheegay in Qeybta Xaaladda Dagdagga ah laga saaray 6 kamid ah bukaanadii la qaaday, haddana Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Maxamed Cabdi Maxamuud Gaboose ay ku harsan yihiin Qeybta Xaalaadda Degdegga ah.

“Laba Firir oo Caloosha kaga jiray Duqa magaalada in laga saaro waa lagu guuleystay, go’aan weli lagama gaarin in laga soo saaro firiro kale oo madaxa uga yaallo, dhaqaatiir fiican oo ku filan ayaa joogta, sidoo kale Xaaska guddoomiyaha iyo Caruurtiisa cisbtiaalka la jooga, maalmaha nasoo aadan waxaan jeclahay in loo soo wareejiyo qeybaha kale ee lagu daweeyo dadka caadiga ah” ayuu yiri Safiirka.

11 Ruux oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa hatan lagu daweynayaa Isbitaal ku yaalla Magalada Doxa ee dalka Qatar,kuwaas oo ku dhaawacmay qarixii 24-kii Bishaan ka dhex dhacay Xarunta Maamulka gobolka Banaadir.

Hay’addaha Amaanka ayaa wali ku howlan baaritaanka Qaraxii dhawaan ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, waxaana soo baxaya tuhun la xiriira in ay qaraxaasi ay ku lug lahaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]