3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2019
Guddiga qaban-qaabada kulanka Dib-u-heshiisiinta oo ka digay in la siyaasadeeyo shirka Dhuusa-Mareeb

 

Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Guddiga guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug ee Dhuusa-Mareeb ayaa ka digay in la siyaasadeeyo shirka loogana baahan yahay in wixii tabasho ah oo ay qabaan beelaha ay ka dhax-sheegaan shirka.

‘’Meel kasta oo aan tagno dadku cabasho ayeey qabeen, cabashadoodana waxaa ay ku saleysan tahay intooda badan cadaalad darro ay ka tirsanayaan habka wax loo qeybsaday iyo waliba maamuladii hore ee deegaanka soo maray Annaga waxaan rabnaa in aan shirka la siyaasadeynin oo wixii tabasho ah laga dhax sheego shirka Dib-u-heshiisiinta ayuu yiri ‘’ Cabdiraxmaan Baadiyoow.

Guddiga oo kulankoodii ugu danbeeyay la qaatay odayaasha degmada Cadaado ayaa wax natiijo ah kala soo laaban, kaddib markii ay wax-garadka degmadu ku gacan-seyreen ka qeybgalka shrka.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaal ku tegay Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado.

Shirka ayaa lagu balansan yahay in uu ka furmo degmada Dhuusa-Mareeb 5ta bisha Agosto ee nagu soo foolka leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]     

 

 













Click here
7/31/2019 4:06 PM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho maqribnimadii caawa loogu geystay magaalada Kismaayo Nabaddoon lagu magacaabi jiray Suldaan Cabdirashiid Muuse Durre

7/31/2019 1:22 PM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)-Andrew Braian Irlam oo ah muwaaadin u dhashay dalka Britain ayaa maanta ka soo hormuuqday maxkamada gobolka Banaadir.

7/31/2019 12:54 PM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay wax-qabadka boqolka maalin ee uu xilka hayay wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa.

7/31/2019 10:31 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)-Agaasimaha barnaamijka Shaqo qaran ee Somaliland Maxamed Xuseen (Mu'addinka) ayaa sheegay inay eryeen afartii dhallinyaro ah ee warbaahinta ka hadlay, kuwaaas oo uu ku eedeeyey inay ka baxeen anshixii iyo xeerkii u yaallay barnaamijka shaqo qaran oo ay isku dayeen inay ceebeeyaan.

7/31/2019 7:07 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Qarax ka dhashay miino lagu aasay waddada jiinkeeda ayaa dalka Afghanistan maanta ku dilay ugu yaraan 35 qof oo ku safrayey bas, islamarkaana dhaawacay 27 kale, sida ay sheegeen saraakiil.

7/31/2019 4:45 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo shalay kusoo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, iyo madaxa fulinta Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

7/31/2019 3:41 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Wasiirka Duulista Hawadda Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar] ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta uu uga baaqday safar uu qorshuhu ahaa in uu ku tago magaalada Kismaayo toddobaadkan.

7/31/2019 1:36 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ah kula saxiixatay Muqdisho heshiis Ururka Iskaashiga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeelanayo Soomaaliya, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada Ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada.

7/31/2019 1:25 AM EST
Arbaco, July, 31, 2019 (HOL)- Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xuukumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo kamid ah Guddiga Heer Qaran ee loo xilsaaray la soco-shada Xaaladda dhaawacyadii dhawaan loo qaaday magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa faah faahin ka bixisay xaalada caafimaad ee Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.