3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2019
Ra'iisul wasaare ku-xigeenka oo ku baaqay in la dardar geliyo wada-hadallada Soomaaliland

Talaado, July, 30, 2019 (HOL)-  Ra’iisul wasaare ku-xigeena xukuumadda federaalka Soomaaliya,Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku baaqay in la dar-dargeliyo wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in miiska wada-hadalka la isugu yimaado oo wada-hadal dhab ah la galo, laga dooddo hannaanka ugu habboon ee looga shaqeyn karo danaha iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa bishaan gudeheeda magacaabay guddiga dhab-u-heshiisiinta iyo wada-hadalka dowladda federaalka iyo Somaliland si ay uga shaqeeyaan sii wadidda wada-hadalka oo la qorsheynayo in lagu gaaro tub wadahadal.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
7/30/2019 4:12 PM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)-Waaxda cadaaladda dalka Mareykanka ayaa sheegtay in la xiray laba nin oo ka soo jeeda dalka Soomaaliya, oo maleegayey in ay taageero agab iyo dhaqaale siiyaan kooxda Daacish, oo Mareykanka uu ku calaameeyey Urur argagixiso oo shisheeye.

7/30/2019 4:09 PM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)- Kullan baroor diiq iyo duco ah ayaa maanta loogu qabtay caasimadda Muqdisho, allaha u naxaristo Marxuun Cabdifaraax Cumar Xalane oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Arbacadii toddobaadkii hore xarunta gobolka Banaadir.

7/30/2019 3:43 PM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ugu tegay ciidammada xoogga dalka ee ka tirsan guutada 15-aad ee taliska qaybta 21-aad, oo ka kooban ciidamadii dhawaan la qarameeyay ee Ahlu Sunna iyo ciidamadii qaybta 21-aad ee magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo hadda diyaar u ah howl-gallo lagu baacsanayo argagaxisada.

7/30/2019 12:16 PM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL – In ka badan shaqaal boqol oo dhalinyarada shaqo qaran ah ayaa maanta u fadhiistay imtixaan ay u galiyeen shirkadda sifeyn doonta Saliida ee Singapore New Silk Energy Somaliland (SNSES), kaasi oo qaadanay saddex boqol oo shaqaale ka hawlgali doonna shirkaddaasi.

7/30/2019 10:58 AM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan xog wareysi iyo wadatashi ah la yeeshay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Dib U Eegista Dastuurka ee Madaxa Bannaan kuwaas oo uga warbixiyey halka ay marayaan hawlaha dhammeystirka Dastuurka iyo arrimaha hortabinta u leh.

7/30/2019 9:54 AM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka degmada ku gacan-seyreen dalab uga yimid guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta Beelaha Galmudug.

7/30/2019 9:37 AM EST
Talaado,July, 30, 2019 (HOL – Illaa afar wariye oo ka hawlgalla telefishanka Eryal Tv ayaa maanta xabsiga loo taxaabay, wakhti ay ku gudda jireen shaqo maalmoodkooda caadiga ah.

7/30/2019 5:49 AM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)-Dekadda magalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa saakay ka bilaawday k asoo saarista haraadiga qaar ka mid ah Maraakiib horay ugu quustay dekedda.

7/30/2019 3:27 AM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)- Ugu yaraan 17 qof ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen, markii diyaarad yar oo nooca milateriga ah ay ku dhacday xilli hore oo Talaadada maanta ah meel ku dhow magaalada Rawalpindi ee dalka Pakistan.

7/30/2019 3:05 AM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)- Munaasabad lagu daahfurayay Xisbiga Xoriyadda Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada.

7/30/2019 2:12 AM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)- Waxey u muuqataa in uu culeys ayaa soo food-saaray heshiiskii nabaadda ee dalka Sudan, kaddib markii afar caruur arday ah iyo dadkale lagu dilay dibadbaxyo ka dhacay Magaalada El Obeid, ee gobolka Kordofan.

7/30/2019 1:45 AM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)-Sheekh Cali Maxamuud Xassan [Wajiis] oo ka mid ah la taliyayaasha madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa beeniyay habkii loo dhigay wareysi uu siiyay Wargeyska ALWaddan ee ka soo baxa dalka Sacuudiga.

7/30/2019 1:04 AM EST
Talaado, July, 30, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalintii shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad goboledka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.