4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2019
Shirkadda Singapore New Silk Energy Somaliland oo shaqaalihii ay qaadanaysay sadex boqol ka qaadanaysa dhallinyarada shaqo qaran

 

Talaado, July, 30,  2019  (HOL – In ka badan shaqaal boqol oo dhalinyarada shaqo qaran ah ayaa maanta u fadhiistay imtixaan ay u galiyeen shirkadda sifeyn doonta Saliida ee Singapore New Silk Energy Somaliland (SNSES), kaasi oo qaadanay saddex boqol oo shaqaale ka hawlgali doonna shirkaddaasi.

Dhallinyarada shaqo qarin ka soo baxday ayaa saaka ku gallay imtixaanka jaamacada Hargeysa, waxaana la sheegay inay imtixaanka soo diyaariyeen,isla markaana ay qaadayaan masuuliyiinta shirkadan oo ah Chines.

Agaasimaha guud ee shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan ayaa u sheegay in shuruudihii imtixaanka lagu galayey ahaayeen inuu qofku sito aqoonsigiigii Shaqo qaran, islamarkaana uu soo codsaday Imtixaanka, waxaana uu xusay in Imtixaanka loo gelo doono si cadaaladd ah.

“Waxaan joognaa xaruntii Jaamacada Hargeysa oo maanta uu ka socdo Imtixaankii Shirkada Singapore New Silk Energy Somaliland (SNSES), imtixaankaa oo lagu tartamayo (300) Saddex boqol oo jago oo ay qaadanayaan shirkadaasi , Imtixaanka waxa u fadhiistay maanta tiro shaqo qaran kamida oo gaadhaya (980) Sagaal boqol iyo siddeetan xubnood waxaa kasoo bixi doona Saddex boqol ee ugu derejada sareeya”ayuu yidhi Mr:Mu’adin. .

“Imtixaanku waa laba qeybood mid waa imtixaan qoraal ah oo hadda ay u fadhiyaan, waxaa ku xiga Imtixaanka ah (Interview) waraysi fool ka fool dhalinyarada mid mid loola kulmayo, labadaa imtixaan inta ugu wanaagsanaata ayey shirkadu qaadan doonta si fiican bay u socotaa ilaa hadda”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Dhinaca kale, qaar kamid ah dhalinyaradii shaqo qaran ayaa sheegay in dhalinyaro kale oo aan ku jirin shaqo qaran imtixaanka u fadhiisteen oo gaar looga qaadayo goob hoteel ah, waxaanay ku doodeen in markiii hore agaasimuhu sheegay in afar boqol oo qof la qaadanayo, hadase waxa uu sheegay in saddex boqol la qaadanayo taas oo ah in dhalinyaradaasi kale ee imtixaanka u fadhiistay boqolkii kale la siinayo.

“Agaasimaha shaqo qaran waxa uu markii hore sheegay in afar boqol la qaadanayo, waxaana aragnay dhalinyaro aan shaqo qaran ahayn oo kaadhkii shaqo qaran haysta, markii aanu diidnay waxa iyaga la geeyey hoteelka Garan-xadi oo imtixaankayagii oo kale laga qaadayo, warbaahintii ka soo duubtay kamaradihii baa laga jajabiyey, marka boqolkan hadda laga reebay afartii boqol waa boqolka gaarka imtixaanka looga qaadayo”ayuu yidhi mid ka mid ah dhalinyarada ka cabanaysay in dad kale lagu soo daray dhalinyarada shaqo qaran.

Dhallinyarada ka cabanaysa kuwo kale lagu soo daray ee iyaguna imtixaanka laga qaadaya ayaa madaxweynaha ka codsaday inuu wax ka qabto oo afartii boqol ee loo ballanqaaday aan waxba laga reebin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.