4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2019
Odayaasha Cadaado oo diiday ka qeybgalka shirka Diib-U-heshiisiinta ee Dhuusa-Mareeb ka furmaya

 

Talaado, July, 30, 2019 (HOL)-Wararka ka  imanaya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka degmada ku gacan-seyreen dalab uga yimid guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta Beelaha Galmudug.

Wararka ka imanaya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka degmada ku gacan-seyreen dalab uga yimid guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta Beelaha Galmudug.

Kulanka Cadaadi u dhaxmaray guddiga iyo wax-garadka Cadaado ayaa looga wadahadalay ka qeyb-galka shirka Dhuusa-Mareeb oo ay guddiga ka dalbadeen odayaasha Cadaado.

Balse taa badalkeeda Odayaasha dhaqanka Cadaado ayaa ku war-galiyay in ay tagi doonin magaaladda Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Odayaasha ayaa diidamadooda ku sababeeyay in markii horeba ay aheyd in gogosha shirka la dhigo degmada Cadaado oo sida ay hadalka u dhigeen ah xarunta Baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug.

Guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta ayaa sheegay in tabashada odayaasha Cadaado kula laaban doonaan madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya.

Shirkan ayaa lagu wadaa sida qorshuhu yahay 5ta bisha Agosto ee nagu soo foolka leh uu ka furmo degmada Dhuusa-Mareeb.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]