4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2019
Sheekh Cali Wajiis oo beeniyay warbixin laga sameeyay Wareysi uu siiyay Wargeyska Al-Waddan

 

Talaado, July, 30, 2019 (HOL)- Sheekh Cali Maxamuud Xassan [Wajiis] oo ka mid ah la taliyayaasha madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa beeniyay habkii loo dhigay wareysi uu siiyay Wargeyska ALWaddan ee ka soo baxa dalka Sacuudiga.

Wareyska ayaa lagu daabacay iyadoo la soo xiganayo wareysiga Sheekh Cali Wajiis in dowladda Qatar xiriir la leedahay kooxaha Argagixisada ah ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan Ururka Al-shabaab.

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in si kale loo dhigay ama loo weeciyay Wareysigii uu siiyay Wargeyska iyo su’aalihii la weydiiyay.

‘’Wariyaha aan wada hadalnay su’aalaha uu i weydiiyay waxaa ka mid ahaa eedeyntii loo jeediyay dowladda Qatar ee la xiriirtay in ay gacansiiso kooxaha Argagixisada, waxaan u sheegay in jawaabta arrintan ku saabsan ay bixisay Wasaarradda Arrimaha dibadda Soomaaliya taasna ay tahay jawaabta rasmiga dowladda Soomaaliyeed, waxaa kaloo uu i weydiiyay wariyaha su’aal kale oo aheyd waxaa ka jira dowladdo waaweyn dhibaato u hayaan Amniga Soomaaliya sida Qatar oo kale isaga oo tusaale u soo qaatay in dowladda Qatar iyo magan-galyo siisay Maxamed Saciid Attam oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Ururka Al-shabaab, waxaan u sheegay in dowladda hadda jirta ay ka horeysay arinta ku saabsan Attam iyo tagistiisii Qatar, tan kale in ninkaa la og- yahay in si dhab ah uu  uga baxay Ururka Al-shabaab warbaahintana uu ka sheegay in ay ku socdaan afkaar qaldan, tagistiisa Qatar-na xitaa ay  wax ogaayeen dowladdaha waaweyn ee reer Galbeedka iyo UN-ka ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Wuxuu sheegay in shaqsiyan uusan marnaba u arag dowladda Qatar in lagu tuhumi karo sida uu hadalka u dhigay in ay gacan siiso kooxaha Argagixisada ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

‘’Su’aal kale waxey aheyd sida aan u arko cilaaqaadka Sacuudiga iyo Soomaaliya, madaama ayuu yiri wariyuhu dowladda Soomaaliya dhinac u leexatay marka la eego siyaasadda Khaliijka, waxaan uga jawaabay in dowladda Soomaaliya marnaba dhinac u leexan, laakiin ay qaadatay go’aan  siyaasad dhaxdhaxadnimo  ah, cilaaqaadka ay wadamada gobolka la leedahayna uu yahay mid wanaagsan gaar ahaan dowladda Sacuudiga oo madaxweyne Farmaajo marka la eego safarradiisa dibadda halka ugu badan ee uu ku tagay waa dalka Sacuudiga, sidaa daraadeed lama oran karo ayaan u sheegay Wargeyska in xiriirka Sacuudiga iyo Soomaaliya uusan wanaagsaneyn’’ ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sheekha ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali karin in nin Wariye ah uu Wareysi uu qaaday uu hadallo kale u dardaro, islamarkaana uu meeel uga dhaco dowlad xiriir wanaagsan la leh dalka Soomaaliya gaar ahaan dowladda Qatar.

Warkan ayaa daba socda warbixintii lagu dabaacay Wargeyska New York Time ee lagu sheegay in dowladda Qatar lug ku laheyd weerarro Argagixiso oo ka dhacay magaalada Boosaaso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]