4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2019
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulamo la qaatay madaxda ugu sareysa Puntland

 

Talaado, July, 30, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalintii shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad goboledka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka labada mas’uul waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulankooda waxaa uu u badnaa is xog wareysi la xiriira xaalada guud ee dalka iyo sidoo kale xoojinta iyo dar dar gelinta wada shaqeynta Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah iyo dowladda dhexe.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland  Siciid Cabdullahi Deni ayaa ugu mahad celiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Maxa'med Mursal Iyo wafdigiisa booqashada ay ku yimaadeen Puntland isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsanahay.

e Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhinaciisa ku amaanay dowlad gobolleedka Puntland iyo bulshada deegaanka Hormarka ay sameeyeen, isaga oo kula dardaarmay in ay horay u sii socdaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa ka mid ah ,adaxda ka qeyb-galaysa todobaadka Puntland, gaar ahaan 1-da August oo loo dabaaldegayo sanadguuradii 21-aad ee Aasaaska Puntland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]