4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 3 , 2019
Booliska Philippines oo xiray nin ka tirsan Al-Shabaab oo weeraro qorsheynayay

Arbaco, July, 03, 2019 (HOL)- Booliska dalka Philippines ayaa xirey nin u dhashay dalka Kenya oo ka mid ahaa ururka Al-Shabaab , kaaso la sheegay inuu qorsheynayay weeraro uu geysto,sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Xinhua.

Ninka ay booliska xireen oo lagu magacaabo Choclo Abdi Abdullah, ayaa laga qabtay Hotel ku yaalla magaalada  Zambales oo ku taalla waqooyiga caasimadda Manila.

Choclo Abdi ayaa la qabtay gelinkii dambe ee Isniintii sida ay daabacday Coastweek waxaa uu haystay Bastoolad, Bambo gacmeed iyo maaddooyin kale oo qaraxyada loo adeegsan karo.

Dowladda Philippines ayaa sheegtay in Cabdullahi uu magaalada Pasay Iskuul ku yaalla ka baranayay duuliyenimada, sida loo afduubo diyaaraha iyo wixii la mid ah.

Waxa kale oo lagu eedeeyay in uu ka been abuuray dukumintiyada uu ku joogay gudaha Dalka Philippines.Kenya ayaa hore ninkan ugu jartay warqad lagu soo xirayo,waxaana ay sheegtay in uu ku biiray Al-shabaab sanadkii 2012kii.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]