3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 3 , 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo baajiyay shir jaraa'id oo looga hadli lahaa arrimo soo kordhay

Arbaco, July, 03, 2019 (HOL)– Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dib u dhigtay shir jaraa'id oo wasiirka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah , Axmed Ciise Cawad ku qaban lahaa magaalada Muqdisho.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ka dalbatay suxufiyiinta inay ka soo qeybgalaan shirka jaraa'id oo labadii duhurnimo ee saacada Muqdisho loo ballamay,kaaso markii dambe dib loo dhigay.

Wararka ay heshay Hiiraan Online ayaa sheegaya shirka jaraa'id inuu wasiirka uga hadli lahaa arrimo soo kordhay, balse wali ma cadda waxyaabaha sida gaar ah diiradda loo saari lahaa.

Sidoo kale, waxaan la ogeyn haddii arrimo kale ay ku soo kordheen shirka jaraa'id.

Shirka jaraa'id wuxuu dib u dhacay ,iyadoo ay taagan tahay xiisad diblumaasiyadeed oo u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana maalmo ka hor dowladda Soomaaliya ay cabasho ka gudbisay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/3/2019 11:47 AM EST
Arbaco, July, 03, 2019 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa booqday isbitaalla Galguduud ee magaalada Dhuusamareeb iyo Isbitaalka Istarliin ee Guriceel.

7/3/2019 11:43 AM EST
Arbaco, July, 03, 2019 (HOL)- Booliska dalka Philippines ayaa xirey nin u dhashay dalka Kenya oo ka mid ahaa ururka Al-Shabaab , kaaso la sheegay inuu qorsheynayay weeraro uu geysto,sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Xinhua.

7/3/2019 11:23 AM EST
Arbaco, July, 03, 2019 (HOL)- Dowladaha France, Finland, Denmark, Germany, Italy, Poland, Netherland, Norway, Sweden, Switzerland, Turkiga, Ingiriiska, Maraykanka, howlgalka AMISOM, Midowga Yurub Urur Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada Soomaaliya, ayaa waxay si wada jir ah usoo dhoweeyeen wada hadallada Galmudug ka socda oo lagu mideynayo isla markaana sare loogu qaadayo xasiloonida taasoo faa’ido u ah bulshada Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

7/3/2019 11:07 AM EST
Arbaco, July, 03, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada abaalmarinno ku guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda ayaa uga mahadceliyay shaqada hufan ee ay qabteen.

7/3/2019 11:05 AM EST
Arbaco, July, 03, 2019 (HOL)– Laba qof ayaa ku geeriyooday, shan kallena waa ay ku dhaawacmeen dagaal galinkii hore ee maanta ka dhacay deegaanka Mareero oo 10km dhanka bari uga toosan magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

7/3/2019 3:57 AM EST
Arbaco, July, 03, 2019 (HOL)– Wasiirka arrimaha dibadda dalka Koonfur Afrika, Naledi Pandor ayaa sheegtay dowladeeda inay taageero la garabtaagan tahay xukuumadda Soomaaliya, kaddib kullan ay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha kula yeelatay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

7/3/2019 3:44 AM EST
Arbaco, July, 03, 2019 (HOL)– Labo nin oo mindiyo ku hubeysan ayaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay guddoomiyihii maxkamadda gobolka Shabeellaha hoose, Siciid Cumar Xasan (Subeyr), sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

7/3/2019 1:54 AM EST
Arbaco, July, 03, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa xalay gaadhay caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee galbeedka qaaradda Afrika oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen.

7/3/2019 1:10 AM EST
Arbaco, July, 03, 2019 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dileen Oday dhaqameed siweyn looga garanaya degmada oo lagu magacaabi jiray Xassan Yuusuf Baani.

7/3/2019 12:50 AM EST
Arbaco, July, 03, 2019 (HOL) – Inta la xaqiijinayo ilaa 40 ruux oo Muhaajiriin ka soo kala jeeda qaar ka mid ah dalalka qaarradda Africa ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen ku dhawaad 80 kalana ay ku dhaawacmeen, kaddib marki xalay madaafiic lagu garaacay xero ay ku jireen dad muhaajiriin ah oo ku taalla dueedka magaalada Tripoli ee dalka Libya.