4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 3 , 2019
Beesha caalamka oo soo dhaweysay wadahadallada Galmudug

 

Arbaco, July, 03, 2019 (HOL)- Dowladaha France, Finland, Denmark, Germany, Italy, Poland, Netherland, Norway, Sweden, Switzerland, Turkiga, Ingiriiska, Maraykanka, howlgalka AMISOM, Midowga Yurub Urur Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada Soomaaliya, ayaa waxay si wada jir ah usoo dhoweeyeen wada hadallada Galmudug ka socda oo lagu mideynayo isla markaana sare loogu qaadayo xasiloonida taasoo faa’ido u ah bulshada Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM , ayaa lagu sheegay in ay daneeyayaasha iyo saaxiibbada Soomaaliya ammaanayaan wada-hadallada ka socda Galmudug ,si ay u midoobaan Garabyada, korna loogu qaado xasilloonida degaannadaas, taas oo wax tar u leh dadka halkaa ku dhaqan iyo guud ahaan Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu faray in dhammaan daneeyayaasha Soomaaliya ay sii wadaan dedaalkooda iyo in ay Galmudug kusoo dabbaalaan dib u heshiisiin ballaaran oo loo dhan yahay, taas oo horseedi karta doorasho hufan oo caddaalad ah, kana soo baxaan hoggaan cusub , si aan dhibaato lahayn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]