4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 3 , 2019
Dagaal ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso

Arbaco, July, 03, 2019 (HOL)– Laba qof ayaa ku geeriyooday, shan kallena waa ay ku dhaawacmeen dagaal galinkii hore ee maanta ka dhacay deegaanka Mareero oo 10km dhanka bari uga toosan magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Wararka ayaa sheegaya dagaalka inuu yimid kadib markii ay ciidammada ammaanka ee Puntland ay howlgal ku qaadeen maleeshiyaad rara tahriibta, kuwaasi oo lagu tuhmay dil shalay askari katirsanaa ciidamada madaxtooyada loogu gaystay magaalada Bosaso, sida laga soo xigtay sarkaal dhanka amniga ah.

Labada qof ee geeriyootay ayaa ka kala tirsanaa ciidamada ammaanka ee Bosaso iyo maleeshiyaadka tahriibta rarayay, waxaana ay ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen maxaabiis iyo gaari ka mid ah kuwa dagaalka.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka ee Puntland.

Dhowaan ayay ahayd markii ciidamo katirsan kuwa amaanka oo uu ku jiray askarigii shalay lagu dilay Bosaso ay howlgal ku qaadeen deegaanka Mareero.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]