4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 3 , 2019
Koonfur Afrika oo ballanqaaday inay taageero ka geysan doonaan dib u dhiska hay'adaha dowladda ee Soomaaliya

Arbaco, July, 03, 2019 (HOL)– Wasiirka arrimaha dibadda dalka Koonfur Afrika, Naledi Pandor ayaa sheegtay dowladeeda inay taageero la garabtaagan tahay xukuumadda Soomaaliya, kaddib kullan ay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha kula yeelatay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

Kullanka ayaa inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashi dhexmara labada waddan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inay dowladda Koonfurta Afrika ballan qaaday inay taageero ka geysan doonaan dhismaha qaar ka mid ah hay’adaha dowladda Soomaaliya, isla markaana ay taageero farsamo iyo tababbar siin doonaan Soomaaliya.

Balse ma cadda in kulanka lagu soo qaaday tacadiyadda  dilalka iyo dhaca ee loo geysto  muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool dalkaasi.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]