4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 3 , 2019
Muhaajiriin ka soo kala jeeda dalalka Qaarradda Africa oo xalay lagu laayay Liibiya

 

Arbaco, July, 03, 2019 (HOL) – Inta la xaqiijinayo ilaa 40 ruux oo Muhaajiriin ka soo kala jeeda qaar ka mid ah dalalka qaarradda Africa ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen ku dhawaad 80 kalana ay ku dhaawacmeen, kaddib marki xalay madaafiic lagu garaacay xero ay ku jireen dad muhaajiriin ah oo ku taalla dueedka magaalada Tripoli ee dalka Libya.

Mid ka mid ah saraakiisha Wasaaradda arrimaha gudaha Liibiya ayaa sheegay in tirada dhimashada dadka lagu laayay xerada degmada Tajoura ee bannaanka caasimadda Libiya ay intaasi ka badnaan karto. Wuxuu intaasi raaciyay in hadda ay shaqaalaha gargaarka dag dagga ah ay wali daad gureynayaan meydadka iyo dadka dhaawaca ah.

Bayaan ka soo baxay Dowladda ay beesha caalamka aqoonsantahay ee Libya ayaa lagu cambaareeyay weerarka. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka danbeeyo janaraalka awoodda badan ee Khalifar Haftar.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday xarunta lagu hayay dadka muhaajiriinta ah ee Liibiya.

Sidoo kale wali ma aysan soo bixin faah-faahin ku saabsan dalalka ay u kala dhasheen muhaajiriinti xalay lagu dilay dalka Liibiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]