3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2019
Puntland oo hakisay isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka

Isniin, July, 29 2019 (HOL)- Taliye ku xigeenka Booliska Puntland, Muxudiin Axmed Muuse oo maanta wariyeyaasha kula hadlay Garoowe ayaa shaaciyay amarro cusub oo amniga la xiriira.

Wuxuu sheegay in dhammaan gobollada Puntland la hakiyay isku socodka laga billaabo 31 bishan July, waxaa inta dheer in la mamnuucay hubka iyo gaadiidka la dhigayo goobaha ay bulshadu ku kullanto.

Amarradan ayaa looga dan leeyahay in lagu xoojiyo nabadgalyada deegaannada Puntland maalmaha loo dabaaldeggayo aasaaska Puntland oo hadda laga joogo muddo 21 sanno ah.

" Waxaan wargelinayna bulshada iyo gaadiidlayda in la xiray waddooyinka oo aysan jirin doonin gaadiid u kala socdaallaya gobollada ama soo galaya, laga billaabo 31 bishan." ayuu yiri taliye ku xigeenka Booliska.

"Sidoo kale waxaa la mamnuucay in hub lagu dhex qaato magaalooyinka, iyo in gaadiid la dhigto hareeraha waddooyinka iyo goobaha ay bulshada isugu imaanayaan." ayuu ku daray.

Dhammaaan deegaannada Puntland ayaa waxaa ka socda diyaar garow la xiriira xuska kowda bisha Agoosto oo ah xilligii la dhisay dowlad-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, iyada oo maamulka uu sheegay sannadkan si wayn in loogu dabaaldeggayo xuska.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
7/29/2019 12:33 PM EST
Isniin, July, 29 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo hoggaaminaya wafdi xildhibaanno ah ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

7/29/2019 12:02 PM EST
Isniin, July, 29 2019 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka.

7/29/2019 10:59 AM EST
Isniin, July, 29, 2019 (HOL)-Ciidamada booliska gobolka Sool ayaa galinkii hore ee maanta xabsiga u taxaabay isuduwaha wasaarada gaadiidka C/khadar Maxamuud.

7/29/2019 10:54 AM EST
Isniin, July 29, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta 19 maxbuus oo u xidhnaa budhcad badeed cafis u fidiyey, waxaanay ahaayeen kuwii laga soo wareejiyey dalka Seychelles ee u xidhnaa falalka budhcad badeednimadda.

7/29/2019 10:49 AM EST
Isniin, July, 29, 2019 (HOL)-Dadka reer Jigjiga ayaa saaka u dareeray dhir beeris lagu beerayo dhir qaybo ka mid ah magaalada, waxayna dadku u dareereen goobaha la dhigay dhirta la beerayo oo ah maamulka xaafadaha magaalada Jigjiga.

7/29/2019 8:06 AM EST
Isniin, July, 29 2019 (HOL)-Lix ka tirsan ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo Ururka Al-shabaab ay ka geysteen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

7/29/2019 4:59 AM EST
Isniin, July, 29, 2019 (HOL)- Maxkamadda ciidammada Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku ridday askari ku eedeysnaa inuu fududeeyay weerar lagu dilay bishii February ee sannadkan maareyihii ajanabiga ahaa ee dekedda Boosaaso,Paul Anthony Formosa.

7/29/2019 3:26 AM EST
Isniin, July, 29, 2019 (HOL)- Ugu yaraan saddex qof ayaa geeriyootay 11 kalana waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday goob lagu soo bandhigayay cuntooyinka oo ku taalla magalaada Gilroy ee gobolka Carlifonia ee dalka Mareykanka,sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

7/29/2019 1:58 AM EST
Isniin, July, 29, 2019 (HOL)- War uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee qaarrada Africa (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

7/29/2019 1:48 AM EST
Isniin, July, 29, 2019 (HOL)- Ugu yaraan 65 qof ayaa la sheegay iney dileen dableey looga shakiyey iney ka tirsan yihiin ururka Boko Haram oo rasaas ku furay dad aas ku guda jiray gobolka Borno oo ku yaalla waqooyi-bari ee dalka Nigeria.

7/29/2019 1:40 AM EST
Isniin, July, 29, 2019 (HOL)- Nabadoono dubab iyo Ugaasyo ka tirsan Beelaha Shanta Shanbaro ee gobolada Jubbooyinka ayaa shir Jara'id ku qabtay magaalada Columbus Ohio.

7/29/2019 1:33 AM EST
Isniin, July, 29, 2019 (HOL)- Magaalada Gaalkacyo waxaa ka soconaya kulamo ay halkaa ku leeyihiin guddiga dowladda Soomaaliya u saartay qaba-qaabada shirka Dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo oo ka wada hadlay ka qeybgalka shirka.