4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2019
Dadka reer Jigjiga ayaa qeyb ka qaadanaya dhir beeris guud ahaan dalka ka socota

 

Isniin, July, 29, 2019 (HOL)-Dadka reer Jigjiga ayaa saakay u dareeray dhir beeris lagu beerayo dhir qaybo ka mid ah magaalada, waxayna dadku u dareereen goobaha la dhigay dhirta la beerayo oo ah maamulka xaafadaha magaalada Jigjiga.

Haddaba goobaha lagu beerayay dhirta saaka ayaa waxaa kamid ahayd meelaha ay dadku isugu yimaadaan sida Xafiisyada, Isbitaalada, Masaajida iyo goobo kale.

Dhir beeristan ayaa waxaa ka qayb qaatay shaqaalaha dawladda iyadoo shacabka kalena loo qaybiyay geedo khudaar ah oo ay xaafadaha ku beerteen.

Ra'iisal  wasaaraha dalka Itoobiya Abiyi Axmed ayaa horey amar ugu bixiyay in  guud ahaan dalka lagu beero dhir dhan 200 oo milyan oo dhir ah si wakhti  dhaw dalka oo dhan uu noqdo dal cagaaran, isla markaana dhirtan la  beeray maanta ay qayb ka noqoto bilicda magaalooyinka dalka,
 
Degmooyinka degaanka ayaa sidoo kale dhir beeristu maanta ka socotaa 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]