4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2019
Lix ka mid ah ciidamada nabad-ilaalinta AMISOM oo weerar lagu dilay

 

Isniin, July, 29 2019 (HOL)-Lix ka tirsan ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo Ururka Al-shabaab ay ka geysteen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamadan la dilay oo gaar ahaa ka socda dowladda Burundi ayaa lagu waramayaa in ay weerar ku soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab fariisin ay ku lahaayeen waddada isku xirta degmada Balcad iyo deegaanka Qalimoow ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Weerarka sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ila saddex Askari kale oo ka tirsanaa howlgalka AMISOM, halka Labo kalana lagu la'yahay weerarka.

Weerarka lagu dilay Lixda Askari ee ka tirsanaa howlgalka midowga Africa ayaa imanaya maalmo uun kaddib markii ay Al-shabaab sheegteen weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, iyadoo weerarkaa uu dhaawac culus ka soo gaaray Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Waddada isku xirta Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka mid ah meelaha ugu halista badan oo ay weerarrada ka geystaan xoogagga ururka Al-shabaab. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]