4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2019
Dad ku dhintay toogasho ka dhacday California

Isniin, July, 29, 2019 (HOL)-  Ugu yaraan saddex qof ayaa geeriyootay 11 kalana waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday goob lagu soo bandhigayay cuntooyinka oo ku taalla magalaada Gilroy ee gobolka Carlifonia ee dalka Mareykanka,sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay goobta,iyada oo muuqaallo la baahiyay lagu arkayay dadka oo cararaya xilli la maqlayo dhawaaqa rasaasta.

Dadka ku dhaawacmey weerarka qaar ka mid ah  xaaladdooda way liidataa halka qaar kalena laga daaweeyay dhaawaca, sida laga soo xigtay afhayeen u hadashay isbitaal halkaa ku yaalla.

Duqa magaalada Gilroy, Dion Bracco  oo weerarka ka hadlay ayaa dhankiisa xaqiijiyay ilaa hadda inay ogyihiin dhimashada saddex ruux.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay shacabka Mareykanka inay is dejiyaan isla markaasna ay feejignaadaan.

Xafladda la weeraray ayaa qeyb ka ah bandhig sannadeed lagu qabto magalaada Gilroy ee gobolka Carlifonia , waxaana markii ugu horreysay la bilaabay sannadkii 1979-kii.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]