4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2019
Taliska Mareykanka Africom oo war ka soo saaray duqeyn ay ka fuliyeen gobolka Bari, Soomaaliya

 

Isniin, July, 29, 2019 (HOL)- War uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee qaarrada Africa (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

Warkan ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 27- Bishaan July duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen Buuraha Golis ,isla markaana ay la beegsadeen xubno ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen hal xubin oo ka tirsanaa Daacish, islamarkaana sidoo kale ay baaritaan ku sameyn doonaan hadii dad rayid ah ay wax ku noqdeen duqeyntaas.

Qoraalka Africom :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]