3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2019
Ciidamada Militeriga Somaliland iyo Ciidanka jabhadda Caare oo dagaal ku dhexmaray gobolka Sanaag

 

Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-Dagaal aan wali la shaacin khasaarihiisa ayaa saakay ka dhacay gobolka Sanaag, gaar ahaan buurta Tabca, kuwaas oo ku dhexmaray ciidanka Somaliland iyo jabhadda Col:Caare hogaaminayo.

Wada hadal u socday labadda dhinac oo baryahanba ay odayaal iskaga dab qaadayeen kooxdan Caare iyo xukuumada, hasse ahaatee shalay iyo maanta ayey labada ciidan is weerareen, inkastoon la sheegin cida weerarka qaaday iyo khasaaraha soo kala gaadhay labadda dhinac.

Ciidamada Caarre hogaaminayo ayaa doonayey in ay dhufays ka dhigteen buurta Tabca oo ah meel istaraaji ku ah dagaalada, halka ciidanka Somaliland diidan yihiin inay buurtaasi ku ruqaansdan, taas ayaa sababtay in dagaal saaka ka qarxo.

Madaxweynaha Somaliland iyo labada xisbi mucaarad ayaa ka hadlay shaqaaqada saaka ka dhacday gobolka Sanaag, waxaanay sheegeen in lagu jiro sidii loo soo afjari lahaa, waxaanay ugu baaqeen Col Caare inuu nabadda qaato oo la soo dhameeyo khilaafka halkaasi ka jira.

“shaqaaqadan ka taagan Sanaag,way dhamaan doonta oo nabad bay ku dhamaan doontaa, wax waliba muddo ayuu leeyahay, qof kasta waa la dhagaystaa nabadu way daal badan tahay oo wakhti bay qaadataa, hadhowna taladu iyadoo bislaatay ayey soo go’aysaa, wax warwar ah oo weyn oo halkaasi ka jiraa ma jiro, waa lagu dhan yahay odayaal iyo dawlad iyo ciidanba, waa laga midaysan yahay in arintaasi nabad ku dhamato”ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo dagaalkii saaka ka hadlayey.

Waxaanu intaas ku daray “Annagu xukuumad ahaan, annaga oo aan sharciga dalkana ku xad-gudbaynin waxannu diyaar u nahay in wax kasta oo xaggayaga dulqaad, qaboojin iyo gacan walaaltinimo ahba aannu u fudinno oo dabcinno kaliya wixii sharci ah ee aan la dhaafi karaynin mooyaane,”.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay u dulqaadanayaan si wal oo nabad lagu heli lahaa, isla markaana lagu soo afjari lahaa shaqaaqooyinka ka jira gobolka Sanaag.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland

 













Click here
7/27/2019 1:29 PM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-Saddexda xisbi ee Somaliland ayaa maanta ka heshiiyey caqabadihii iyo murankii ka taagnaa qabsoomida doorashooyinka goleayasha wakiilada iyo deegaanka oo muddaba isku mari la’aayeen.

7/27/2019 10:39 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay in la fasaxay dhammaan shaqaalaha xarunta gobolka Banaadir,iyada oo muddada fasaxa albaabada loo xiri doono dhammaan xafiisyada xarunta gobolka.

7/27/2019 10:30 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Tababarka ayaa loo furay in kabadan 100 macallin oo loogu talagay in ay sii tababaraan macallimiinta iskuullada gobalka Banaadir .

7/27/2019 10:05 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Madaxtooyada Jowhar ku Qaabilay wafdi uu hogaaminayay Safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya oo maanta gaaray.

7/27/2019 9:46 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xildh. Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya, halkaa oo warbixin uu uga dhageystay guddoomiyaha guddiga iyo mas’uuliyiinta kale.

7/27/2019 9:40 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-Wasiirka dhalinyarada iyo Cayaaraha Maamulka Goboleedka Hirshabeelle Cabdiqani Cabdullahi Hilowle Jeenyo ayaa degmada Buulo- burde ka furay tartan Kubadda Cagta ah oo u dhaxeeyo xaafadaha ay ka kooban tahay dagmada

7/27/2019 9:29 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray dowladda iyo shacabka dalka Tuunis ,isagoo uga tacsiyeeyay geerida ku timi madaxweynihii dalkaas, Muxammad Al-Baaji Qaa’id as-Sibsi,sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.

7/27/2019 9:23 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya,Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo booqasho howleed ku jooga dalka Maraykanka ayaa qurba-joogta Soomaaliyeed kula kulmay magaalada Washington DC, isagoo faah-faahin ka bixiyay dadaallada dhaqaale ee ay dowladdu gaadhay iyo waxyaabaha la tiigsanayo.

7/27/2019 9:14 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Puntland ayaa degmada Xarfo ee gobolka Mudug kullan uga qabatay haweenka ,iyada oo kaashanaysa hay'adda UNDP ee Qaramada Midoobay.

7/27/2019 7:59 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Ciidamada Amniga Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Maxamed Yuusuf Bakayle oo ah suxufi ka hawgalla magaaladda Hargeysa.

7/27/2019 6:44 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-Dowladda Sacuudiga ayaa hakisay dadka soo galaya dalkiisa ee safarka ama socdaalka kaga imaanaya dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo.iyagoo ka baqaya in cudurka Ebola uu ku faafo Xujeyda bisha soo socota ka qeybgalaya gudashada xajka.

7/27/2019 6:25 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar culus ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM

7/27/2019 1:56 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Waxaa sii xoogeysanaya shakiga laga qabo howsha guddiga u xil saran in ay mamulaan doorashada maamulka Jubbaland oo dhawaan soo saaray Liiska Odayaasha dhaqanka soo xulaya xildhibaannada.

7/27/2019 1:44 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Xildhibaannada Aqalka sare ee Somaaliya oo Sabtida maanta ah yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa ayaa lagu wadaa in ay dood ka yeeshaan labo sharci oo muhiim ah.

7/27/2019 1:24 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Gen. Stephen J. Townsend, ayaa lagu wadaa in uu maanta si rasmi ah ula wareego howlgalka ciidamada Mareykanka ee Africom , isaga oo badallaya Jeneral Thomas David Waldhauser oo muddo saddex sano soo hoggaaminayay howlgalka.