3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2019
Safiirka Qatar oo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle

 

Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Hirshabeelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Madaxtooyada Jowhar ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya oo maanta gaaray.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa  Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xusseen, guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle, iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada  Hirshabeelle.

Garoonka magaalada Jowhar waxaa wafdiga kaga hortagay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Hirshabelle.

Wagdigan ayaa hor dhac u ah n wufuud  heer caalami ah oo soo gaaraya Hirshabeelle kuwaa oo mashaariicyo  horumarineed ka fulinaya deegaannada maamulka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    
 

 

 

 

 













Click here
7/27/2019 1:29 PM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-Saddexda xisbi ee Somaliland ayaa maanta ka heshiiyey caqabadihii iyo murankii ka taagnaa qabsoomida doorashooyinka goleayasha wakiilada iyo deegaanka oo muddaba isku mari la’aayeen.

7/27/2019 1:20 PM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-Dagaal aan wali la shaacin khasaarihiisa ayaa saakay ka dhacay gobolka Sanaag, gaar ahaan buurta Tabca, kuwaas oo ku dhexmaray ciidanka Somaliland iyo jabhadda Col:Caare hogaaminayo.

7/27/2019 10:39 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay in la fasaxay dhammaan shaqaalaha xarunta gobolka Banaadir,iyada oo muddada fasaxa albaabada loo xiri doono dhammaan xafiisyada xarunta gobolka.

7/27/2019 10:30 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Tababarka ayaa loo furay in kabadan 100 macallin oo loogu talagay in ay sii tababaraan macallimiinta iskuullada gobalka Banaadir .

7/27/2019 9:46 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xildh. Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya, halkaa oo warbixin uu uga dhageystay guddoomiyaha guddiga iyo mas’uuliyiinta kale.

7/27/2019 9:40 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-Wasiirka dhalinyarada iyo Cayaaraha Maamulka Goboleedka Hirshabeelle Cabdiqani Cabdullahi Hilowle Jeenyo ayaa degmada Buulo- burde ka furay tartan Kubadda Cagta ah oo u dhaxeeyo xaafadaha ay ka kooban tahay dagmada

7/27/2019 9:29 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray dowladda iyo shacabka dalka Tuunis ,isagoo uga tacsiyeeyay geerida ku timi madaxweynihii dalkaas, Muxammad Al-Baaji Qaa’id as-Sibsi,sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.

7/27/2019 9:23 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya,Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo booqasho howleed ku jooga dalka Maraykanka ayaa qurba-joogta Soomaaliyeed kula kulmay magaalada Washington DC, isagoo faah-faahin ka bixiyay dadaallada dhaqaale ee ay dowladdu gaadhay iyo waxyaabaha la tiigsanayo.

7/27/2019 9:14 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Puntland ayaa degmada Xarfo ee gobolka Mudug kullan uga qabatay haweenka ,iyada oo kaashanaysa hay'adda UNDP ee Qaramada Midoobay.

7/27/2019 7:59 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Ciidamada Amniga Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Maxamed Yuusuf Bakayle oo ah suxufi ka hawgalla magaaladda Hargeysa.

7/27/2019 6:44 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-Dowladda Sacuudiga ayaa hakisay dadka soo galaya dalkiisa ee safarka ama socdaalka kaga imaanaya dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo.iyagoo ka baqaya in cudurka Ebola uu ku faafo Xujeyda bisha soo socota ka qeybgalaya gudashada xajka.

7/27/2019 6:25 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar culus ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM

7/27/2019 1:56 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Waxaa sii xoogeysanaya shakiga laga qabo howsha guddiga u xil saran in ay mamulaan doorashada maamulka Jubbaland oo dhawaan soo saaray Liiska Odayaasha dhaqanka soo xulaya xildhibaannada.

7/27/2019 1:44 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Xildhibaannada Aqalka sare ee Somaaliya oo Sabtida maanta ah yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa ayaa lagu wadaa in ay dood ka yeeshaan labo sharci oo muhiim ah.

7/27/2019 1:24 AM EST
Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Gen. Stephen J. Townsend, ayaa lagu wadaa in uu maanta si rasmi ah ula wareego howlgalka ciidamada Mareykanka ee Africom , isaga oo badallaya Jeneral Thomas David Waldhauser oo muddo saddex sano soo hoggaaminayay howlgalka.