4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2019
Wasiir Sadiiq Warfaa oo maanta kormeeray xarunta guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya


Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-  Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xildh. Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya, halkaa oo warbixin uu uga dhageystay guddoomiyaha guddiga iyo mas’uuliyiinta kale.

Ugu horreyn, mas'uuliyiinta guddiga ayaa ku soo dhaweeyay xarunta wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyaga oo dareen wanagsan ka muujiyay kormeerka uu ku soo gaaray wasiirka iyo xubnaha kale ee ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Wasiir Sadiiq Warfaa, oo uu weheliyay agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Maxamed Cadde Mukhtar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda ayaa mid mid u kormeeray dhammaan xafiisyada xarunta guddiga, halkaa oo ay warbixin ku siiyeen wasiirka -howlwadeennadii ku sugnaa oo uu ku boggaadiyay Shaqada ay qaranka u hayaan.

Wasiir wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Sadiiq Warfaa ayaa kormeerka kaddib kullan la qaatay mas’uuliyiinta sare ee guddiga , isagoo markaa la hadlay xubnaha guddiga waxaana uu u sheegay in loo baahan-yahay shaqsiyaadka loo qaadanayo shaqaalaha dowladda in loo qoro si hufan oo ka maran eex, laguna qiimeynayo qof walba aqoonta iyo kartida uu u leeyahay howlaha muhiimka ah ee uu qaranka u qabanayo, wasiirka wuxuu u caddeeyay guddiga in wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay si dhow u kor joogteyn doonto ulana socon doonto howlaha guddiga.

"Guddigan wuxuu u haya qaranka howl muhiim ah, waxaana kormeerkan uu qeyb ka yahay howlaha shaqo, waana ku soo noq noqon doonaa guddiga si aan ula socono howlaha qaran ee halkan ka socda." ayuu yiri wasiir Sadiiq oo u mahadceliyay mas'uuliyiinta iyo dhammaan howlwadeennada guddiga.

Mudane Sadiiq Warfaa , wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada - waxaa kalo uu xaqiijiyay xukuumadda Soomaaliya inay dadaal ku bixinayso sidii loo yareyn lahaa shaqo la'aanta dalka ka jirta, si xal loo-gaaro wuxuu sheegay inay muhiim tahay in si dhow loola socdo shaqsiyaadka loo qaadanayo shaqaalaha dowladda.

"Aqoonta iyo xirfadda waa midda la doonayo, mana rabno qof aan u qalmin howlaha qaranka in faraha loo galiyo, taas si aysan u dhicin ayaan dadaalka u badan u bixinaynaa.. waxaana idin caddeynayaa waxa ugu weyn ee aan ka shaqeynayno inay tahay sidii shaqo la'aanta dalka ka jirta loo yareyn lahaa, loona horumarin lahaa bulshadeenna." ayuu ku daray wasiir Sadiiq Warfaa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]