4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2019
Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Hirshabeelle oo ka daah furay degmada Buula-burte tartan kubadda Cagta ah


Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-Wasiirka dhalinyarada iyo Cayaaraha Maamulka Goboleedka Hirshabeelle Cabdiqani Cabdullahi Hilowle Jeenyo ayaa  degmada Buulo- burde ka furay tartan Kubadda Cagta ah oo u dhaxeeyo xaafadaha ay ka kooban tahay dagmada

Munaasabad  kooban oo ka dhacday guddaha Garoonka Kubadda cagta Buula-burte ayaa waxaa  goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Dhalinyarada, kan Cayaaraha Macalimiinta  hogaamineyso Kooxaha, dad-weyne iyo mas'uuliyiinta maamulka dagmada Buulo-burte.

Sidoo  kale macalimiinta kooxaha  Kubadda Cagta ee Dagmada Buulo- burte ayaa loo  furay tababar kor loogu qaadayo tayadooda Aqooneed ee dhanka cayaaraha  iyadoo isla munaasabadaa loogu qeybiyay qalab Isborti Toban kooxood  ka hor inta aan maanta la daah furin tartanka Kubada Cagta.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee maamul Gobolleedka Hirshabeelle Cabdiqani Cabdullahi Hilowle Jeenyo oo ka hadlay furitaanka tartanka iyo tababarka  macalimiinta ayaa sheegay in ay fursad u tahay dhalinyarada ku nool  dagmada Buulo-Burte.

Tartankan iyo tababarka ciyaaraha waxaa iska kaashaday Wasaarada dhalin-yarada  Ciyaaraha ee Hirshabeelle iyo maamulka degmada Buulo-burde

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]