4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2019
Wasaaradda Haweenka ee Puntland oo degmada Xarfo ee gobolka Mudug ku qabatay kullan la xiriira doorka Haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda


Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-  Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Puntland ayaa degmada Xarfo ee gobolka Mudug kullan uga qabatay haweenka ,iyada oo kaashanaysa hay'adda UNDP ee Qaramada Midoobay.

Tabbabarka ayaa la xiriiray doorka ka qaybgalka siyaasadda ee haweenka, waxaana si gaar ah uga faa'iideysanayay haween dhallinyaro u badan oo olole ugu jira sidii ay uga mid noqon lahaayeen golaha deegaanka ee degmada Xarfo oo dhowaan lagu wado in la soo dhiso.Waxaa kalo kullankan wacyi-galinta ah ka qeybgalay Nabadoonnada deegaanka, waxgarad, haweenka iyo xubno ka socday qaybaha bulshada ee degmada Xarfo.

La-taliyaha Arrimaha Jinsiga ee wasaaradda Haweenka iyo Horumarinya Qoyska, Samsam Siciid ayaa ugu horreyn kullanka ka sheegtay in ujeeddadiisu tahay sidii la isku tusi lahaa Gabadha raadinaya ka mid noqashadda golaha deegaanka degmada Xarfo iyo odayaasha dhaqanka oo ay nabadoonnada ugu horreeyaan ee soo xulaya xubnaha ka mid noqonaya golaha deegaanka, si bay tiri ay gabadhuhu fursad ugu helaan inay odayaasha dhaqanka ka soo horjeediyaan doonistooda xubin-nimada golaha deegaanka.

Guddoomiyaha ururka haweenka degmada Xarfo, Xaawo Ismaaciil ayaa boggaadisay kullanka ay agaasintay wasaaradda ee gabadha doonaya inay ka mid noqdaan golaha deegaanka ay kula hadlayaan odayaasha dhaqanka, waxaana ay marka kula dardaarantay odayaasha inay door muuqda ka siiyaan haweenka golaha deegaanka ee la soo dhisayo.

Gabadhaha iyagu doonaya inay ka mid noqdaan golaha deegaanka, ayaa odayaasha dhaqanka iyo qaybaha bulshada ka dalbaday inay ku taageeraan sidii ay door ugu yeelan lahaayeen haweenka golaha deegaanka.

Qaar ka mid ah Nabadoonnada iyo odayaasha dhaqanka ee kullanka ka qaybgalay ayaa si cad u sheegay inay ka go'antahay sidii ay haweenka door la arki karo ugu yaallan lahaayeen golaha deegaanka.

Gabagabadii, Agaasimaha Xiriirka gobollada ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska , Ladan Cabdi Faarax ayaa boggaadisay sida odayaasha dhaqanka iyo waxgarada ay u xaqiijiyeen inay ka go'antahay haweenka inay door ku yeeshan golaha deegaanka ee degmada, waxaana ay marka u xaqiijisay gabadhaha raadinaya ka mid noqoshadda golaha inay wasaaradda haweenka garab taagantahay kuna taageeri doonto sidii ay matalaad buuxda ugu yeelan lahaayeen golaha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]