4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2019
Ciidanka amniga Somaliland oo xabsiga u taxaabay wariye Maxamed Bakayle



 

Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Ciidamada Amniga Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Maxamed Yuusuf Bakayle oo ah suxufi ka hawgalla magaaladda Hargeysa.

Wariye Maxamed Yuusuf Bakayle ayaa ciidanka amnigu Somaliland ka soo qabteen wakhti uu ku sugnaa hoteel ka mid ah hoteeladda magaaladda Hargeysa.

Illa hada lama sheegin sababta loo xidhay iyo wuxuu daarnaa xadhigiisu, haseyeeshee ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyey xadhiga wariyaha iyo sifaha loo maray xadhigiisa oo ay sheegeen in waaran la’aan lagu soo qabtay.

“Waan ka xumahay in la xidho wariyaha oo waliba lagu xidho waaran la’aan, wax war ah oo aanu ka helany wali ma jiro, sifo uu u xidhan yahay ma cadeyn karo oo ciidiba nooma sheegin”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka ururka SOLJA Yaxye Sheekh Ismaaciil.

“illa hadda ma cadeyn karo waxa loo xidhay inay tahay mid saxafadeed, iyo inay tahay mid shakhsi iyo waxay tahay, waxanu ka soo horjeedna sifaha loo soo marayo xadhiga wariyaha.”ayuu yidhi

Illaa hadda ma cada sababta loo xidhay, xukuumadda iyo ciidanka amniguna kama hadal

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.