4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2019
Dowladda Sacuudiga oo joojisay dadka ka soo Xajinaya dalka Congo

 

Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-Dowladda Sacuudiga ayaa hakisay dadka soo galaya dalkiisa ee safarka ama socdaalka kaga imaanaya dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee  Congo.iyagoo ka baqaya in cudurka Ebola uu ku faafo Xujeyda bisha soo socota ka qeybgalaya gudashada xajka.

Go’aankaasi ayaa lagu shaaciyay qoraal soo baxay maalinimadii  Arbacada, kaas oo uu soo saaray Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Sacudiga,kaddib markii todobaadkii hore Ururka Caafimaadka Dudida ee WHO  uu ka dhawaajiyay in dalka Congo qeybo ka mid ah sida magaalada Kivu  iyo Gobolka Ituri uu ka dillaacay cudurka Ebola.

Dadka la siiyay fiisaha ee xujeyda ka imaanaya dalka Congo ayaa  la jojiyay ,si loo badbadiyo fayo qabka xjeyda gudanaya waajibaadka Xajka sidaasi waxa yiri” Wasiirka Arimaha Dibadda”

Ilaa hada ma cadda tallaabadaasi lagu hakinaayo Xujeyda dalka Congo ,tirada dada ay saameyneyso,waxaana la caddeeyay in 3% ay Muslimiin yihiin bulshada reer Congo.

Cudurka Epola ayaa la xaqijiyay in dalka Congo uu ku dilay kun iyo todobo boqol oo ruux muddo sanad ah ,waana markii labaad ee cudurrkaasi uu ku fidaayo dalal ka mid ah Afrika.

Sanadihii 2014-kii iyo 16-kii dalka mSacuudiga waxa ay fiisaha xajka u diideen dalaka Guinea, Sierra Leone, iyo Liberia,ka dib kolkii cudurka Epola oo ka dillaacay dalalkaasi uu dilay 11 kun oo qof.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]