4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2019
Al-shabaab oo weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan AMISOM

 

Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar culus ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Weearkan oo dhacay subaxnimadii hore ee saakay ayaa lagu waramayaa in lagu bartilmaameedsaday ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ku sugnaa deegaan u dhaxeeya degmada Balcad iyo Qalimoow.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in iska horimaadka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyadii uu iska horimaadku dhaxmaray.

Ciidamo  ka tirsan AMISOM ayaa fariisin ka sameystey meel u dhexeysa Qalimoow iyo  Balcad halkaas oo hore ay weeraro gaadmo ah ka geysan jireen  Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]