4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2019
Aqalka sare oo kulankooda maanta uga dooddi doona labo sharci oo muhiim ah

 

Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Xildhibaannada Aqalka sare ee Somaaliya oo Sabtida maanta ah yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa ayaa lagu wadaa in ay dood ka yeeshaan labo sharci oo muhiim ah.

Ajendayaasha muhiimka ah ee Aqalka Sare hor-yaalla kulankooda maanta ayaa kala ah Sharciga Xaqsiinta ciidamada iyo hindise Sharciyeedka Batroolka sidda uu sheegay Guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Xildhibaannada ayaa fariimo loo diray lagu war-galiyay dhammaan in ay soo xaadiraan xarunta Golaha si ay uga qeyb galaan Kulanka xildhibaanada Aqalka Sare.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa horay u meel mariyeen hindise Sharciyeedyo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada iyo xildhibaanada Golaha Shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]