4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2019
Taliye cusub loo magacaabay hoggaanka taliska ciidamada Mareykanka ee Africom

 

Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Gen. Stephen J. Townsend, ayaa lagu wadaa in uu maanta si rasmi ah ula wareego howlgalka ciidamada Mareykanka ee Africom , isaga oo badallaya Jeneral Thomas David Waldhauser oo muddo saddex sano soo hoggaaminayay howlgalka.

Gen. Stephen J. Townsend ayaa waxaa horyaalla Caqabado waa weyn oo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay xoojin doonaan dagaalka Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in aan Duqeyn Diyaaradeed oo keliya looga guuleysan karin Hawlgalladda ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab, ,islamarkaana uu xoojin doono howlgalka dhanka lugta ah.

Jeneralka xilka ka degaya oo 66-jir ah waxaa uu howlgalka ciidamada ku soo biiray sannadkii 1976-dii, isagoo ka tirsanaa Ciiddanka Mariniska ee dalkaasi, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Talisyadda Milliteriga Maraykanka, isagoo ka qeyb galay Hawlgalo Milliteri ee xilka looga tuuray Madaxweynihii hore ee dalka Iraq, Marxuum Saddaam Xuseen.

Taliyaha cusub ayaa ugu danbeyntii sheegay sheegay in duqeynta ciidamada ay tahay in si taxadar leh loo fuliyo oo laga fogaado in ay waxyeelo ka soo gaarto dadka rayidka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]