4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2019
James Swan oo ahaa bartilmaameedka Qaraxii shalay ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir

 

Khamiis, July, 25, 2019 (HOL) –Afhayeenka dhinaca howlgalada Al-shabaab Cabdicasiis Abuu-Muscab ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in bartilmaameedka Qaraxii shalay ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar uu ahaa Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Sawan oo booqday xarunta wax yar uu ka hor xiliga uu qaraxu dhacay.

‘’Bartilmaameedka weerarkeenu wuxuu ahaa wakiilka Qaramada Midoobey James Sawan,’’ ayuu yiri Cabdicasiis Abuu-Muscab oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Sarkaal ka tirsan laamaha Amniga oo lagu magacaabo Maxamed Xusseen ayaa sheegay in haweeneyda is qarxisay gashay goobta uu shirku ka socday, islamarkana isku qarxisay meel dhowr tallaabo u jirta halkii uu fadhiyay Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Swan oo hadal qoraal ah soo saaray ayaa yiri’’ Waxaan cambaarey-nayaa weerarka wuxuushnimada ah oo aan aheyn aheyn oo kaliya in uusan karaamo siiney-nin nolasha Aadanaha, laakiin la diriraya xitaa shaqsiyaadka u taagan in ay haggaajiyaan kana shaqeeyaan hormarka dadkooda’’ ayuu yiri James Swan.

 

Hay’addaha Amniga ayaa waxaa hor yaala su’aal ah sida qofkan is qarxiyay ugu suurtagashay in uu galo xafiiska guddoomiyaha, iyadoo la ogyahay in xarunta gobolka Banaadir tahay goobaha ugu ilaalada adag xarumaha dowladda.

Laakiin qaar ka mid ah saraakiisha hay’addaha Nabad-galyada ayaa sheegay in qofkan laga yaabo in uu gacan mug leh siiyay qof kale oo ka tirsanaa dadka nabad-galyada ugu xil saran xarunta, waxaana soconaya baaritaanno dheeraad ah oo arintan ku saabsan.

Weerarkan ayaa waxaa cambaareeyay wakiilka gaar ah dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, hay’addo caalami ah iyo dalalka saaxiibada dhaw la ah Soomaaliya.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]