3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2019
Jubbaland oo hakisay wada shaqeynta iyo isku socodka xukuumadda federaalka

Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)-  Golaha wasiirrada Jubbaland oo maanta ku shiray magaalada Kismaayo ayaa isla qaatay in la hakiso wadashaqeynta iyo isku socodka Jubbaland iyo xukuumadda federaaalka.

Kullankan oo uu guddoomiyay madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa ka mid ah kullamadii toddobaad lahaa ahaa ee golaha wasiirrada maamulka.

"Waxaa golahu dood dheer ka yeeshay farogalinta qaawan ee dowlada Federaalku ku hayso hannaanka doorashooyinka Jubbaland iyo khalkhalgalinta joogtada ah waxaana golahu uu soo saaray in la hakiyay maanta laga billaabo wada shaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka ah iyo Jubbaland go’aankaas ayay golahu gacan taag ku meel mariyeen." ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka golaha wasiirrada.

Golaha wasiirrada Jubbaland ayaa tacsi u diray Ehelada dadkii ku dhintay weerarkii ee ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ,waxaa ay Allah uga baryayaan caafimaad taam ah dadkii halkaas ku dhaawacmay.

Waxaa kale oo kulanka maanta looga hadlay xaaladaha ammaanka Jubbaland wakhtiga doorashooyinka waxaana golahu uu sheegay in hay’adaha ammaanku ay si adag u sugaan nabadgalyadda muddada lagu jiro howlaha doorashooyinka si baa la yiri 'looga hortago isku dayada argagixisadu ku doonayso dhibaataynta shacabka'.

Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa isku khilaafsan hannaanka ay u dhaceyso doorashada, waxaana sidoo kale diidday hannaanka doorashada musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Jubbaland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
7/25/2019 7:30 PM EST
Khamiis, July, 25, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

7/25/2019 1:35 PM EST
Khamiis, July, 25, 2019 (HOL) –Afhayeenka dhinaca howlgalada Al-shabaab Cabdicasiis Abuu-Muscab ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in bartilmaameedka Qaraxii shalay ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar uu ahaa Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Sawan oo booqday xarunta wax yar uu ka hor xiliga uu qaraxu dhacay.

7/25/2019 12:10 PM EST
Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)- Ku dhowaad toban ruux oo uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho ,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ku dhaawacmay weerar galinkii dambe ee Arbacadii lagu qaadday xarunta gobolka ayaa maanta dalka dibadiisa loo qaaday.

7/25/2019 8:36 AM EST
Khamiis, Luulyo, 25, 2019 (HOL – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in shaqaaqada colaadeed ee muddada ka taagnayd deegaanka Ceel-Afweyn iyo guud ahaanba gobolka Sanaag la soo afjarayo oo ay gabogabo ku dhowdahay.

7/25/2019 7:51 AM EST
Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)- Diyaarad ciidammada cirka ee dowladda Qatar oo goor dhow soo caga-dhigatay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa lagu soo warramaya in lagu qaadi doono guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas'uuliyiin kale oo maamulka ka tirsan oo ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo galinkii dambe ee Arbacadii ka dhacay gudaha xarunta gobolka Banaadir.

7/25/2019 7:32 AM EST
Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)- Saddex qarax ayaa ruxay caasimada Afghanistan ee Kabul, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof isla markaana ay ku dhaawacmeen tobanneeyo kale, sida ay sheegeen saraakiisha.

7/25/2019 7:15 AM EST
Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)- Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka, Maxamed Cabdillaahi Tuulax ayaa bannaanka soo dhigay inuu jiro shaki ku aaddan weerarkii ay mas'uuliyiinta ku dhinteen ee galinkii dambe ee Arbacada lagu qaadday xarunta gobolka inay hageysay cid ku jirtay gudaha xarunta.

7/25/2019 7:01 AM EST
Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)- Madaxweynihii dalka Tunisiya, Beji Caid Essebsi oo 92 jir ahaa ayaa geeriyooday , madaxtooyada ayaa sidaa ku sheegtay bayaan ay soo saartay maanta oo Khamiis ah. Essebsi waxaa loo qaaday isbitaal militari Arbacadii.

7/25/2019 6:47 AM EST
Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Golaha sare ee la-talinta madaxweynaha.

7/25/2019 6:35 AM EST
Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Ingiriiska, Boris Johnson ayaa golihiisa wasiirrada ku soo daray nin ay walaalo yihiin, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

7/25/2019 4:30 AM EST
Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)- Saraakiisha hay’addaha Amaanka dowlad gobolleedka Jubbalad ayaa warbaahinta u soo bandhiga saddex ruux oo Ajnabi ah oo sida ay sheegeen ka tirsan Ururka Al-shabaab

7/25/2019 3:38 AM EST
Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)- Intii ay meesha ka baxday Xukuumaddii hore ee Degaanka Soomaalida dalka Itoobiya waxaa magaalada Jigjiga kusoo badanayay kooxo dhalinyaro ah qiyaastii 15 jiro ah oo dadka habeenkii luuqaqa ku dhaca waxay haystaana ka qaata.

7/25/2019 1:12 AM EST
Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)- Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo daqiiqado ka hor uun ka baxay maalintii shalay Aqalka dowladda Hoose ka hor inta uusan Qaraxu dhicin ayaa si adag u cambaareeyay weerarka Ismiidaaminta ah ee lagu qaaday xarunta.

7/25/2019 12:32 AM EST
Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)- Waxaa laga deyrinayaa xaalada caafimaad ee guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo dhaawac culus uu ka soo gaaray qarax maalintii shalay ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.