4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2019
Diyaarad milatari oo dibadda u qaadaysa guddoomiye Yariisow

Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)- Diyaarad ciidammada cirka ee dowladda Qatar oo goor dhow soo caga-dhigatay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa lagu soo warramaya in lagu qaadi doono guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas'uuliyiin kale oo maamulka ka tirsan oo ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo galinkii dambe ee Arbacadii ka dhacay gudaha xarunta gobolka Banaadir.

Warbaahinta maxalliga ah waxay ku warrantay in xaaladda dhaawac ee guddoomiyaha gobolka ay joogto heer dibadda loo qaadi karo, wuxuuna isbitaal ku yaalla caasimadda ku galay labo qalliin, iyada oo madaxa amniga ee maamulka gobolka uu sheegay inuu guddoomiyaha ka dhaawacmay qeybaha kore oo madaxa iyo colaasho ay ka mid yihiin.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka ka dhacay hool ay ku shirayeen mas'uuliyiinta gobolka oo ku yaalla gudaha xarunta gobolka Banaadir oo ka mid ah goobaha sida aadka amnigooda loo ilaaliyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]