4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 25, 2019
Afghanistan : Saddex qarax oo ka dhacay Kabul

Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)-  Saddex qarax ayaa ruxay caasimada Afghanistan ee Kabul, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof isla markaana ay ku dhaawacmeen tobanneeyo kale, sida ay sheegeen saraakiisha.

Siddeed ka mid ah shaqaalaha wasaaradda macdanta iyo batroolka ayaa la dilay 27 kalena waa lagu dhaawacay weerar lagu qaaday gaari bas ah oo ay la socdeen, sida ay mas'uuliyiintu ku sheegeen bayaan ay soo saareen Khamiista.

Shan haween ah iyo ilmo yar ayaa ku jiray dadka dhintay.

Daqiiqado kadib qaraxa, qof isa soo miidaamiyey ayaa isku qarxiyay meel dhowr mitir u jirta, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof 20na ay ku dhaawacmeen.

Nasrat Rahimi, af-hayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Kabul ayaa yidhi: "Marka hore bam lagu dhajiyay baska ay shaqaalaha la socdeen auaa qarxay.

"Tirada dhimashada ayaa kordhi karta dhammaan seddexda qarax," ayuu yiri.

Af hayeen uhadlay Taliban ayaa sheegtey mas'uuliyada qaraxa gaariga kaliya, laakiin wuxuu beeniyay inay ku lug lahaayeen weerarada kale.

Zabihullah Mujahid wuxuu sheegay in sagaal ciidammo ajnabi ah lagu dilay weerarka gaariga, labo baabuurna la burburiyay, laakiin saraakiisha dowladda ma aysan xaqiijin sheegashada Taliban.

Kooxda hubaysani waxay sii wadaan weerarada maalinlaha ah, gaar ahaan bartilmaameedsiga ciidammada amniga, iyada oo ay wadahadal la leeyihiin Maraykanka oo looga gol lahaa in lagu soo afjaro dagaalka muddada 18 sanno ka socdaa Afghanistan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]