4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2019
Madixii amniga ee gobolka Banaadir oo sheegay in gudaha xarunta gobolka laga hagay weerarkii galinkii dambe lagu qaadday

Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)-  Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka, Maxamed Cabdillaahi Tuulax ayaa bannaanka soo dhigay inuu jiro shaki ku aaddan weerarkii ay mas'uuliyiinta ku dhinteen ee galinkii dambe ee Arbacada lagu qaadday xarunta gobolka inay hageysay cid ku jirtay gudaha xarunta.

"Ma jirin cid xoog ku gashay xarunta gobolka Banaadir oo ka mid ah dhismayaasha sida ugu adag amnigooda loo ilaaliyo, balse waxaa jira shaki ku aaddan in gudaha xarunta laga hagay weerarka." ayuu yiri Tuulax  oo la hadlay idaacadda VOA-da.

"Qof is qarxiyay waxay u muuqata inuu ahaa qof awood u yeeshay inuu gudaha u galo xarunta oo uu gaaro hoolka uu shirka ka socday." ayuu raaciyay.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda, waxa uu sheegay inay hadda socdaan baaritaanno ku aaddan sida uu qofka is qarxiyay ku soo galay xarunta gobolka, wuxuuna yiri " dib ayaa loo raaci doonaa kaamirooyinka".

Waxaa kalo uu xaqiijiyay in dibadda loo qaadi doono guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo weerarka uu ka soo gaaray dhaawac iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka oo dhaawacyo qaba.

Guddoomiyaha gobolka ayaa la sheegay inuu dhaawac daran uu ka soo gaaray qeybaha kore ee jirka oo madaxa uu ka mid yahay iyo caloosha, labo mar ayaana qaliin lagu sameeyay, sida ay mas'uuliyiinta sheegeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada weerarka oo ay ku geeriyoodeen toddobo ruux oo kala ahaa saddex guddoomiye degmo, saddex Agaasime iyo la taliyihii dhinaca Sharciga ee guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]