4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2019
Madaxweynaha Puntland oo markii u horreeysay magacaabay golaha sare ee la-talinta

Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Golaha sare ee la-talinta madaxweynaha.

Golahan ayaa noqonaya markii ugu horreysay oo madaxweyne Puntland ah uu dhiso gole sare ee la-taliya, waxaana wareegtada lagu magacaabay lagu sheegay in madaxweynaha Puntland uu tixgaliyay magacaabiista golaha oo 'baahi loo qabo'.

Magacyada golaha sare ee la-talinta madaxweynaha Puntland;

1. Waxaa Nuuradiin Aadan Diiriye loo magacaabay Guddoomiyaha Golaha.

2. Waxaa Mahdi Maxamuud Cali loo magacaabay Xubin ka mid ah Golaha.

3. Waxaa Yaasmiin Maxamuud Xaamud (Nayn) loo magacaabay Xubin ka mid ah Golaha.

4.Waxaa Drs. Saciido Axmed Cali (Qacle) loo magacaabay Xubin ka mid ah Golaha.

5. Waxaa Eng. Axmed Abshir Faarax loo magacaabay Xubin ka mid ah Golaha.

6.Waxaa Cusmaan Seed Cilmi loo magacaabay Xubin ka mid ah Golaha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]