4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2019
Dhalinyaro xiliyada habeenkii dhibaato ku haya shacabka magaalada Jigjiga

 

Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)- Intii ay meesha ka baxday Xukuumaddii hore ee Degaanka Soomaalida dalka Itoobiya waxaa magaalada Jigjiga kusoo badanayay kooxo dhalinyaro ah qiyaastii 15 jiro ah oo dadka habeenkii luuqaqa ku dhaca waxay haystaana ka qaata.

Haddaba Hiiraan Online oo arrintaa dhalinyarada kooxa kooxaha ah u kuur gashay ayaa soo ogaatay inay dhalinyartan u badan yihiin xaafadaha Sheekh nuur ciise, Laanta hawada iyo Aayar daga, oo intuba ah xaafadaha cidhifka magaalada.

Xaafadahaas waxaa naloo xaqiijiyay in marka uu gabalku dhaco aan habayaraatee uusan qofna kaligii ka bixi karin gurigiisa, waxaa kaloo naloo sheegay in qofkii ay dhalinyartaasi habeenkii qabtaan ka qaataan waxa uu wato.

Dhibaatadaas ay kooxahan dhalinyarta ahi ku hayaan shacabka xaafadahaas deggan ayaa muddo soo socotay, mana jirto ilaa iyo hadda wax ay dawladdu ka qabatay arrintan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]