4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2019
James Swan oo cambaareeyay Qaraxii shalay ka dhacay Aqalka dowladda Hoose ee Xamar

 

Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)- Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo daqiiqado ka hor uun ka baxay maalintii shalay Aqalka dowladda Hoose ka hor inta uusan Qaraxu dhicin ayaa si adag u cambaareeyay weerarka Ismiidaaminta ah ee lagu qaaday xarunta.

James Swan ayaa kula shiray maalintii shalay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir gaar ahaan goobta uu qaraxu ka dhacay mas’uuliyiinta maamulka oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka, isaga oo ku amaanay howsha ay u hayaan bulshada gobolka ku dhaqan, hasse ahaatee markii uu ka soo baxay xarunta ayaa lagu waramayaa in qof dumar ah oo isku soo xirtay walxaha qarxa weerar khasaare ba’an geystay ku qaaday shir looga hadlayay Amniga.

‘Waxaan si xoogan oo u canbaareynayaa qaraxa ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, inta wax-yaaladu soo gaartay waan u duceyneynaa ayuu yiri ‘’ James Swan

Ilaa iyo hadda lama oga sida qofka weerarka Ismiidaaminta ah geystay ugu suurtagashay in ay gudaha u gasho goobta uu shirku ka socday, hasse ahaatee mas’uuliyiinta Amniga ayaa aaminsan in qofkaasi loo fududeeyay in ay gaarto halka uu shirku ka socday, waxaana soconaya baaritaanno dheeraad ah, iyadoo dib loogu laabanayo dhamaanba Kaamirooyinka ku xiran xarunta si ugu yaraan loo helo macluumaad la xiriira qofka is qarxiyay iyo cida gacanta siisay.

Ururka Al-shabaab ayaa durbaba sheegtay weerarkan oo noqonaya kii ugu saameynta badnaa ee waayadan lagu qaado xarun siweyn Amaankeeda loo ilaaliyo laguna wax-yeeleeyo mas’uuliyiin intaa la eg.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]