4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2019
Wararkii ugu danbeeyay xaalada caafimaad ee guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo guud ahaa khasaaraha Qaraxii shalay

 

Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)- Waxaa laga deyrinayaa xaalada caafimaad ee guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo dhaawac culus uu ka soo gaaray qarax maalintii shalay ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in Eng Yariisoow uu dhaawac ka soo gaaray qeybaha sare ee jirka sida caloosha iyo madaxa, waxaana uu galay ilaa Labo Qaliin oo saacado badan qaatay, ilaa iyo haddana waxaa la sheegay in uu miir la’yahay kuna jiro xaalad Suuxdin ah.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in guddoomiyaha loo qaado daweyn caafimaad oo dalka dibadiisa ah isaga iyo mas’uuliyiinta kale ee ku dhaawacmay Qaraxa, waxaana la sugayaa diyaarad ka iman doonta magaalada Doha ee dalka Qatar oo loo qaadi doono dhaawaca guddoomiyaha.

Dadka ku dhintay qaraxii shalay ayaa tiradooda lagu sheegay 7 ruux oo kala ahaa saddex guddoomiye degmo, saddex Agaasime iyo la taliyihii dhinaca Sharciga ee guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya ayaa magacaawday guddi ka shaqeyn doona gurmadka caafimaad ee loo sameynayo mas’uuliyiintii wax-yeeladu ka soo gaartay Qraraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Aqalka dowladda Hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]