4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2019
Xukuumadda oo magacaawday guddiga Gurmadka deg degga ah ee Qarixii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir

Arbaco, July, 24, 2019, (HOL) - Ra'iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magacaabay guddiga gurmadka ee weerarkii galinkii dambe ee Arbacada maanta ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee ku taalla degmada Xamar weyne.

Guddigan ayaa ka kooban wasiirro iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaa ay ka shaqeyn doonaan sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaadhay qaraxii xarunta gobolka Banaadir.

Ilaa lix qof oo saddex ka mid ah ay yihiin guddoomiyeyaal degmo ayaa qaraxa ku dhintay, halka dad kale oo uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow uu ku dhaawacmay. Koox Al-Shabaab ayaa sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarka.

Hoos ka akhri xubnaha guddiga gurmadka deg degga ah;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]