4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2019
Dowladda oo ka hadashay khasaaraha weerarkii dhismaha xarunta gobolka Banaadir

Arbaco, July, 24, 2019, (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreeysay ka hadashay qarax khasaaro geystay oo ka dhacay gudaha xarunta gobolka Banaadir ee ku taalla degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho.

Wasiirrada warfaafinta iyo dhallinyarada oo ay waheliyaan taliyeyaasha ciidammada booliska ayaa tagay xarunta uu weerarka ka dhacay ee gobolka Banaadir, halkaa oo ay warbaahinta kula hadleen.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya,Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerarka ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen lix ruux oo labo ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaal degmo, halka saddex kalena ay yihiin Agaasimayaal.

Waxaa kalo uu sheegay inay ku dhaawacmeen guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo guddoomiyaal degmooyin, kuwaasoo dhakhaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaalayaan.Wasiir ayaa inta ku daray in hey’addaha ammaanka ay wadaan baaritaanka ku aadan falkaas, isla markaana ay dib faah faahinta ka soo sheegi doonaan.

Kooxda al-Shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxa,iyada oo afhayeen kooxda u hadlay uu sheegay bartilmaameedka inuu ahaa wakiilka Qaramada Midoobay oo waqti ka horreeyay xilliga uu qaraxa ka dhacay booqasho ku joogay xarunta gobolka Banaadir.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]