4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2019
Warbixin : Mas’uuliyiinta ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Aqalka dowladda Hoose

 
Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis Sabah Asad iyo Guddoomiyaha degmada Waberi Mahdi Cilmi


Arbaco, July, 24, 2019, (HOL) -Saraakiil ka tirsan dowladda Hoose ee Xamar ayaa warbaahinta uga waramay khasaaraha ka dhashay qaraxii galabta ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar xili uu halkaa ka socday shir Amiga ku saabsan oo ay lahayeen guddoomiyayaasha degmooyinka iyo guddoomiyaha gobolka Eng Cabdiraxmaan Yariisoow.

Mas’uuliyiinta ilaa iyo hadda dhimashooda la xaqiijinayo ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyayaashii degmooyinka Cabdicasiis iyo Waabari Sabah Asad iyo Mahad Cilmi.

Sidoo kale Qaraxa waxaa ku dhintay afhayeenkii hore ee maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo hadda ahaa Agaasimaha Waaxda Nadaafadda iyo Agaasimihii waaxda Shaqada Cabdullaahi Dheere, sidoo kale dadka dhintay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa shaqsi la taliye dhinaca sharciga u ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir oo magaciisa lagu soo kooban Sabriye.

Dhimashada aya la sheegayaa in ay intaa ka badan tahay marka laga soo tago mas’uuliyiinta aan soo sheegnay oo warbaahinta loo xaqiijiyay geeridooda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisoow ayaa la sheegayaa in ay dhaqaatiirtu la tacaalayaan xaaladiisa caafimaad kaddib markii uu dhaawac culus ka soo gaaray Qaraxa oo ka dhacay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]