4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Aqalka dowladda Hoose ee Xamar

 

Arbaco, July, 24, 2019, (HOL) Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dhaawac culus uu ka soo gaaray guddoomiyaha maamulka gobolka Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Guddoomiyaha ayaa xiligan uu qaraxani dhacayay waxaa uu shir guddoominayay kulan looga hadlayay Amniga caasimada oo inta badan ay joogeen guddoomiyayaasha gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ay qaar ka mid ah mas’uuliyiintii kulankaa ka qeybgalayay ku dhinteen Qaraxa halka kuwa kalana ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Weerarka Ismiidaamin ah ayaa lagu waramayaa in uu geystay qof isku soo xiray Walxaha qarxa oo gudaha u soo galay halka uu shirku ka socday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]