4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2019
Qarax ka dhacay xarunta gobolka Banaadir

Arbaco,July, 24, 2019 (HOL)-  Qarax ayaa ka dhacay goor dhow dhismaha xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, sida waxaa sheegay goobjoogayaal.

Ma cadda nooca qaraxa, balse qof ka tirsan shaqaalaha xarunta gobolka ayaa sheegay inuu maqlay dhawaqa qaraxa, xilli uu ka sii baxayay.

Wararka laga helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay gudaha xarunta gobolka, xilli uu halkaa shir uga socday guddoomiyaha gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Ma cadda ilaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ay warar kala duwan ka soo baxayaan,waxaana dhismaha gobolka gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo ciidammo ka tirsan kuwa amniga.

Ciddi ma sheegan mas'uuliyada qaraxa. Wuxuu ku soo aadday xilli saacado ka hor uu booqasho ku tagay xarunta gobolka Banaadir wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Xarunta gobolka Banaadir oo aad amnigeeda loo ilaaliyo waxay ku taalla degmada Xamar weyne, waxaana ku dhow dhismayaal ganacsi.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]