4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2019
Mid ka mid ah beellaha dega Galmudug oo soo dhaweeyay shirka dib-u-heshiisiinta Dhuusa-Mareeb


Arbaco, July, 24, 2019 (HOL)-Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Siyaasiyiin,Aqoonyahano, Dhalinyaro iyo Haween mid ka mid ah beelaha dega Galmudug ayaa taageeray shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee ka furmaya Dhuusa-Mareeb iyo guud ahaan socdaalka Ra'iisal wasaaraha ee deegaannadaas.

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo ka mid ahaa waxgaradkii kulanka ka hadlay ayaa taageeray shirka dib u heshiisiinta ee dhawaan ka furmaya magaalada Dhuuso Mareeb ayna isugu imaanayaan beelaha dega Galmudug.

Kulan ay maanta magaalada  Muqdisho ku yeesheen wax-garadka, culimada, aqoonyahanka, dhallinyarada  iyo haweenka beesha ayaa si buuxda loogu taageeray dadaallada dowladda Federaalku ay ka waddo Galmudug ee isugu jira  dib-u-heshiisiinta, dhismaha ciidamada iyo dhismaha dowlad Gobaleed  Galmudug loo dhan-yahay.

Shirka  ayaa lagu taageeray dadaallada Xukuumaadda  ay ka waddo Galmudug waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kan:

  1. Beeshu waxa ay si buuxdo u taageersan tahay dadaalada xukuumadda Soomaaliya ay ka waddo Galmudug ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
  2. Beeshu waxaa ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo  dib-u-heshiisinta ku ammaaneysaa magacaabista Guddiga Qabanqaabada  Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug ee loogu gogol xaarayo xal waara  oo laga gaaro khilaafaadka bulshada reer Galmudug
  3. -Beeshu waxa si buuxda u taageertay shaqada guddiga Qaban-qaabada  Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug ee u xilsaaran xal ka gaarista  khilaafaadka bulsho ee ka dhex jira beelaha Galmudug
  4. 4-Beeshu markii ay deristay xaaladda deegaannada Galmudug iyo  dadaladda socda waxaa ay si wadajir ah u taageertay go’aanka guddiga  iyada oo si buuxda uga qayb geleysaa gogosha nabadeed ee ka fidsan  magaalada Dhuusamareeb

BAAQ

  1. Ugu dambeyn , Beeshu waxaa ay ugu baaqeysaa dhammaan beelaha Galmudug  in ay muujiyaan xil kasnimo iyo tanaasul si buuxdana ula shaqeeyaan  guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiinta si xal waara loo  gaaro looguna diyaar Garoobo dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo lagu  gaaro doorasho xor iyo xalaal ah.

5ta bisha Agosto ee nagu soo foolka leh ayaa lagu wadaa in magaalada Dhuusa-Mareeb uu ka furmo shirka dib-u-heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug, iyadoo  la filayo in deegaannadaa ay ka dhacdo doorasho lagu soo dhisayo Galmudug lagu mideysan yahay. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]